Home Page
Is Diyaarinta




Tajumaad:

বাংলা / Baṅla
Bahasa Indonesia
Български език
Català
Cebuano / Sugboanon
中文 / Zhōngwén
Deutsch
English
Español
Euskara
Ewe
Filipino/Tagalog
Français
Galego
Ελληνικά / Elliniká
ગુજરાતી / Gujarātī
हिन्दी / hindī
Italiano
日本語 / Nihongo
Kiswahili
بهاس ملايو / Bahasa Melayu
Polszczyzna
Português
ਪੰਜਾਬੀ / Pañjābī
Română
Русский
Српски / Srpski
सिन्धी / Sindhi
Af Soomaali
తెలుగు /Telugu
ไทย / Thai
Tiếng Việt
Türkçe
اردو / Urdu
Èdè Yorùbá

                                        

Other formats:

Text
Power Point
Word

Other Pages:

Modules

Site Map

Ereyada furaha

Contact

Utility Documents

Useful Links

OGOW ZIRFAHADA ADD U BAHAN TAHAY

Maxay tahay waxa aad rabtid inad ogato sida loo sameeyo?

by Phil Bartle, PhD

Waxaa tarjumay Salat Ali Omar


Training Handout

Xirfadaha aad u baahan tahay wacyigelinta bulshada

Xirfadaha aad u baahan tahay wacyigeliye ahaan ma ahan kuwo aad u dhib badan, waa qalab aad u xoog badan.

Sida isbarbardhig, ka feker xirfadihii locksmith. A locksmith waxaa uu qabtay shaqooyin muhiim ah, si qaldana waa loo isticmaali karaa iyadoo la jebinayo, lana xadayo.

Qaladna loo isticmaali karo.

Hadba marka aad barato xirfadaha wacyigelinta, u isticmaal inaad bulshada uga faa’iideyso, ma ahan inaad shaqsiyadaada uga faa’ideyso qarashka dadka. Maadaama ay tahay waxa aad hiigsaneyso dhamaan bulshada qeybaheeda, xirfada ugu muhiimsan ee lagaa rabo waa inaad xiriir wanaagsan sameysaa. Waxaa lagaaga baahan yahay inaan barataa ka hadalka meelaha la isugu yimaad, ma ahan keliya inaad tahay qof ka hadli kara oo keliya.

Waxa lagaaga baahan yahay waa inaad leedahay hogaan wanaag iyo fududeyn wanaagsan.

Waa inaad taqaanaa habka wararka lagu helo go’aana looga gaaro qaab koox koox ah, taas oo u baahan inaad ogtahay fahamsan tahay ujeedadaada kana muujisaa kalsooni bulshada horteeda.

Waa inaad taqaanaa qaabka wacdinta, qudbadeynta, qaabka hadalka loo sameeyo, ka fogow qaababkan.

Xirfadaha farsamo ee aad u baahan tahay wacyigeliye ahaan: fagaare ka hadlid, qorsheyn, maamul, u kuur gelid, taxliilin, iyo qoraal.

Qaabka ugu haboon ee lagu baran karana waa adoo naftaada ku tacliimiya.

Waxaa kaloo lagaaga baahan yahay inaad dabeecad wanaag muujiso oo daacad ah, firfirconaan, debecsanaan, dulqaad, samir.

Waa inaad taqaanaa qaabka loo dhageysto loona fahmo marka dadku hadlayaan.

Waa inaad barataa qaabka loo hubiyo in waxan ay sax yihiin.

Waa inaad taqaana qaabka looga soo saarto muhimada si aad uga dhigto mid xiiso leh.

Ma u wacdinaysid sidii wadaadki; umana hadleysid sidii siyaasiyiinta; umana hadleyso sidii barfasoor jamacadeed.

Waa inaad barataa si kalsooni ku jirto inaad u hadli kartid marka aad dhex joogtid ama aad hortaagan tahay.

Waxaad u baahan tahay inaad barataa qaabka dadka loo soo jiito.

Waa inaad ka fogaataa inaad hadalka kaligaa iska wadato, adigoo muujinaya islaweynin, ama kibir.

Waxaad u baahan tahay inaad wax ka taqaanaa qaabka dooda loo wadaajiyo, (adigoon ku dhaqmayn qaabka macangagnimo).

Xirfadahaana waxaad ku baran kartaa oo keliya adigoo ficil ahaan u qabta. See: doing (ma ahan ka aqrin buugaag).

Naftaada ku tarbiyey. Hadii aad fasal u gashay maadada horumarinta bulshada, oo aad fariisatay adigoo muhiimada ka qoranay, ma aadan helin tababar wanaagsan. See Training Methods.

Waa inaad ficil ahaan u qabataa, marka ugu horeysa fasalka aad dhigato hortiisa ka samey, kadibna qeyb ka mida bulshada. See: organizational skills.

Maadaama la rabo inaad isku dubarido bulsho iyo hogaamiyayaasheda, waxaad u baahan tahay inaad wax ka taqaanid xirfadaha abaabulida.

Inkastoo aad ku xoojineyso bulshada xirfadaha maamulka, waa inaad wax ka taqaanaa maamulka.

Maadaama aad bulshada ku hageysid inay qorshe sameystaan, waxaad u baahan tahay inaad taqaanaa qaabka qorshaha loo sameeyo. See: accounting skills.

Madaama aad talo ka bixinayso bulshadu inay daacadnimo muujiyaan and xaga maaliyada iyo qeyraadkooda, waxaad u baahan tahay inaad taqaanaa qaabka xisaabiyenimada.

Maadaama aad talo kabixinayso qaabka loo qoro warbixinada, waxaad u baahan tahay inaad wax ka taqaana qaabka loo qoro warbixinada.

Waxaadna ku baran kartaa adigoo ficil ahaan u qabta. (see An Aural Method to Learn an Oral Language.) Waa inaad taqaanaa qaabka luqadaha loogu barto si dhaqso ah, aadna islma markaas ku hadli karto dhowr luqadood xili gaaban.

Waxaad kaloo u baahan tahay xirfado farsamo oo kale, si aad ugu guuleysato howsha bulsho wacyigeliyenimada waa inaad muujisaa dabeecad wanaag. (Look at the training handouts: To Be a Mobilizer and Job Description).

See: Reputation. Sumcadaadu waa hanti muhiim ah. Hadii aad ku caan baxdo daacadnimo, xiriir wanaag, dhexdhexadnimo, howl-karnimo, niyad-wanaag, dabeecad fiican, dulqaad, firfircoonaan, debecsanaan, sumcadaada waxay kaalin ka qaadaneysaa howsha wacyigelinta. Hadii aadan intaas ahayn, isku day inaad bedesho.

––»«––
Hadii aad kobiyaysato qoraalka boggan, fadlan ku noqo www.cec.vcn.bc.ca/cmp/

© Copyright 1967, 1987, 2007 Phil Bartle
Web Design by Lourdes Sada
––»«––
Last update: 2015.10.31

 Home page

 Is Diyaarinta