Tweet Tajumaad:
'العربية / al-ʿarabīyah |
IS DIYAARINTANagoshada Bulsho Wacyigeliyeby Phil Bartle, PhDWaxaa tarjumay Salat Ali OmarIntroduction to the Module (Hub)Ducumintiyada ku jira is diryaarinta cutubka
Nagoshada Bulsho WacyigeliyeKa hor inta aadan dhiirigelin is caawinta horumarka bulshada, waa in aad adiga isdiyaarisaa. Waa in aad ogtahay kuuna cadahay ujeedadaada; waa inaad ogaataa yoolka bulshadaada; waa inaad leedahay xirfadaha loo baahan yahay; waa inaad fahamsan tahay ujeedada muhiimka of wacyigelinta. Tan ugu horeysa ee lagaa rabaa waa inaad bilowda qoraal. Oo aad diyaarsataa buug yar oo aan qiimo badneyn. Waxaa lagaa donayaa inaad isticmaasho afar boog oo aad u kala bixinayso: (1) hadafka iyo ujeedo; (2) bulshada aad tiigsaneys; (3) xirfadaha wacyigelinta, iyo (4) buuga dhacdo malmeedka aad u qoreyso. Si kastaba ha ahaatee adiga ayaa habeysanaya qaabka howlgalkaaga, waa muhiim inaad ka bilowdo marka diyaarinta qoraalka. Adiga maskaxda ku heyso waxaa aad bedeleyso. Cutubkan waxaa uu ku tusinayaa inaad u baahan tahay inaad is diyaariso. Ha u maleyn, hadaba, inaad ku diyaar garoobi karto “hal mar uun." Hadii aan nahay wacyigeliyayaal waxaa si isdabajoog ah u baraneynaa in badan oo lagu soo sheegay qeybahaas. Waa howl aan dhamaneyn ebed, waana ku guuldareysaneynaa hadii aan is dhahno waa taqaanan gebi ahaan. ––»«––A Training Session: Hadii aad kobiyaysato qoraalka boggan, fadlan ku noqo www.cec.vcn.bc.ca/cmp/© Copyright 1967, 1987, 2007 Phil Bartle
––»«–– |
Home page |